Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Hindise-sharciyeedkan ayaa ah mid muhiim u ah ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed ee ku barakaca dagaannada, abaaraha, amni-darrada iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Waxa uu dejinayaa nidaam qaran oo lagu maareeyo arrimaha barakaca, laguna xaqiijinayo.

