Golaha Aqalka Sare BJFS oo ansixiyay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka, 30 Senator ayaa ogolaatay, ansixintaan Senator diiday majirin, wax ka aamusayna majirin, xubnaha guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris
  2. Farxiya Muumin Cali
  3. Burhaan Aadan Cumar
  4. Axmed Maxamuud Jaamac
  5. Maxamed Cabdalla Saalax.

Wasiirka wasaaradda caddaalada  iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa u mahadceliyey golaha Aqalka Sare ansixinta xubnaha guddiga madaxa-banaan ee la socodka dib u eegista dastuurka dalka.