Golaha Aqalka sare BFS oo maanta lagu ansixiyey hindise sharciyeed hay’adda nabad sugidda

Kalfadhiga maanta ay yeesheen golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Kalfadhigan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Aqalka sare, Senatar, Cali Shacbaan Ibraahim ayaa waxaa soo xaadiray 35 xubnood, iyadoo 31 ka mid ah ay u codeeyeen ansixinta xeerkan.

Sidoo kale waxaa diiday saddex xubnood halka uu hal xubin ka aamusay.

Wasiirudowlaha wasaaradda Amniga , Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay ansixinta xeerka ee golaha Aqalka sare ay ku meel mariyeen, sidoo kale waxaa isna dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha guud ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.