Gobolka Shabeelaha Hoose oo guddoomiye cusub loo magacaabay

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihi Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaasna u magacaabay guddoomiye cusub.

Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose, asigoo badalaya Maxamed Cabdiraxiim Nuuur oo ah ninka xilkan horey u hayey balse hadda laga qaaday.

Waa markii sadexaad oo Najax loo magacaabo xilka guddoomiyaah gobolkan, waxaana uu hadda kamid ahaa golaha wasiirada maamulka isagoo haya xilka wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee Koofur Galbeed.

Maxamed Cabdiraxiim Nuur, oo lagu bedeley Ibraahim Aadan Cali ayaa xilka haayay muddo ka yar lix bil, asigoo xilka loomagacaabay Octobertii lasoo dhaafay.
Gobolka Shabeelaha Hoose, waxuu kamid yahay sadexda gobol ee maamulka Koofur Galbeed ka kooban yahay sidoo kalena waxaa uu kamid yahay gobolada ugu muhiimsan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Koofur Galbeed.