Gobolka Hiiraan :Ciidanka xoogga oo deegaanka Burdaar ku dilay 12 khawaarij ah

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashilayay,isla markaana ka hortagay  weerar gaadma ah oo ay khawaarijta Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Khawaarijta Alshabaab.

Generaal Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee weeararka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.