General Biixi” Waxan go’aan ka gaarnay weerarradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada”

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Janaraal; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ay si weyn uga baaraan degeen ka Ciidan ahaan xeeladaha gaadmada ah ee ay khawaarijtu adeegsadaan.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan mar dambana  dhacayn in ay soo hajuumaan khawaarijta xarumaha ciidanka ama ay haweystaan.

General Biixi” Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada,haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda”.

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin Ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, isla markaana aysan dhacayn in ay mar kale dhibaateeyaan shacabka ama u hanjabaan.

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliyeed, Gen; Maxamed Tahliil Biixi ayaa sidoo kale sheegay in khawaarijtu ay dhexdooda iska shakiyeen qilaaf weyna uu soo kala dhex galay, taas oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan.

Janaraal Biixi ayaa sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex maray khawaarijta oo ay rag badan isaga dileen, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan.