Generaal Caanood” Arrin la yaab leh ayaa lagu arkay dagaalkii Ceel-hareeri,”

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka hadlay arrin la yaab leh oo lagu arkay furimaha dagaalka deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan halkaas oo lagu xasuuqay Khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa muujiyay sida argagixisada aysan dan uga lahayn dadka ay soo qaldeen, wax lala yaabana lagu arkay dagaalkii Ceel-hareeri.

“ Dagaalkii Ceel-hareeri ka dhacay ee cadowga lagu naafeeyay markii uu istaagay, meelihii cadowga difaac kaga jireen baa ciidamadu ay galeen si ay u uruuriyaan dhimashada iyo dhaawaca, waxay heleen arrin la yaab leh oo ah maleeshiyada Al-shabaab dhaliyarada ay soo qaldeen oo toban toban , shan shan katiinad ugu xiran tahay, taasi oo daliil u ah in ay dhalinyaradaas soo raafeen oo ay soo qasbeen,” ayuu yiri Generaal Caanood oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray, Generaal Caanood in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen dhalinyaro xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira oo la soo raafay oo dagaalka Khawaarijta qasab ku soo geliyeen.

Khasaaro xooggan ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalkii ka dhacay degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalo xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lagu soo bandhigay meydad yo hub aad u badan oo laga furtay Khawaarijta.