Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed “Garsoorka dalkeenna meeshii ugu fiicneyd ayuu marayaa.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay arrimaha garsoorka iyo cadaaladda dalka ayaa sheegay in hannaanka Garooska dalkeennu, meeshii ugu fiicneyd uu marayo, islamarkaana ay jiraan isbeddelo waa weyn oo la gaaray.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo la hadlayay arday Kuliyadda sharciga iyo qaanuunka ka barata jaamacadaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Garsoorka dalka uu soo maray marxalado kala duwan oo loo noqon karo waqtigii Dowladnimada ka horeysay dadkeenuna ay ahaayeen xoolo dhaqato iyo Beeraley, xilligaas oo dadka Soomaaliyeed loogu garnaqi jiray geed hoostiisa, garsoorayaashuna ay ahaayeen culumadeenna iyo odayaasheenna.

” Garsooka Soomaaliya markaas tadawur iyo horumar iyo isbeddel ayuu runtii intaas sameynayay, isagoo daruufiihiisa kala duwan yihiin oo marba daruuftiisa ay ku xiran tahay meesha uu ka shaqeynayo, laga yaabee marka uu federaalka iyo gobolka Banaadir joogo iyo marka Hirshabeelle, Galmudug,Koonfur Galbeed, Jubbaland ama Puntland uu joogo wax xoogaa daruufahooda kala duwan yihiin,laakiin horumar fiican ayuu sameynayaa,isbeddelo waa weyna muddooyinkii ugu dambeeyay waa la sameeyay,”  ayuu yiri Garyaqaan Baashe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in hay’adda Garsoorka ee dalka ay tahay hay’adda kaliya ee dadka ay qaadaneyso ku qiimeysa imtixaan iyo tartan furan oo qof dadaalkii ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay ahmiyadda ay leedahay in la helo hannaan Garsoor oo cadaallad ah, kaas oo bulshada Soomaaliyeed ay ku wada qanacsan yihiin.