Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona Finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona Ciyaarta kama dambaysta ah ee CECAFA Cup 2026, taasoo sii xoojinaysa Sumcaddiisa isagoo ka mid noqday Garsoorayaasha ugu Caansan Afrika.

Golaha Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) ayaa xaqiijiyay in Cartan uu garsoori doono Finalka Tartanka oo 7-da Bishan Agoosto ka dhici doona Garoonka Amahoro ee Kigali.

Magacaabistan ayaa guul weyn u ah Kubadda Cagta Soomaaliya. Inkastoo Kooxda horyaalka Soomaaliya ee Mogadishu City laga reebay Tartanka, haddana horumarka Cartan ayaa dhiirrigelin u noqday Kubadda Cagta Dalka.

Cartan ayaa hore u noqday Garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee loo xusho Koobka Adduunka ee FIFA, inkastoo uusan ka qaybgelin kaddib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, waxaana uu sidoo kale noqday Garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhexdhexaadiya tartan FIFA ah, isagoo Garsooray Ciyaaro ka tirsanaa Koobka Adduunka ee FIFA U-20 ee Chile.

Finalka CECAFA Cup, Cartan waxaa garab siin doona Liban Abdulrazack oo u dhashay Jabuuti iyo Eliezer Stephen Yiembe oo u dhashay Kenya.

Semi-Finalka Tartanka waxaa ku kulmaya Jamus FC oo ka socota Koonfurta Suudaan iyo Rayon Sports oo Rwanda ah, halka Al Hilal SC ee Suudaan ay la ciyaari doonto Gor Mahia ee Kenya.

Tartanka CECAFA Cup 2026-ka ayaa dib ugu laabtay Rwanda kadib toddobo Sano, iyadoo ay ka qaybgalayaan 12 Kooxood. Kooxda ku guuleysata ayaa heli doonta $30,000, halka kaalinta labaad ay qaadan doonto $20,000, Kooxda saddexaadna $10,000.

Horumarka Soomaaliya ee kubadda Cagta Gobolka ayaa sidoo kale ka muuqday dhinaca Maamulka. Bishii Febraayo 2026-ka,

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF), Cali Cabdi Maxamed, ayaa loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA intii lagu jiray Shirkii guud ee Ururka ee ka dhacay Jabuuti.

 

XIGASHO. TRT Africa