Iyadoo soomaalidu ay la heyd dhaqan suuban oo la xiriira xaga guurka kaasoo ku saleysnaa habka miyiga iyo magaalada.
Miyiga oo ku saleysnaan jiray bixinta yarad, gabaati, boqol halaad, faras iyo bunduq, waana dhaqan la isla ogolaa beri hore.
Halka magaalada aad uga dabacsaneyd marka gabar la doonayo ama la guursanayo oo lacag yar lakala siisan jiray berigii hore.
Markii magaalada la soo wada galay ayaa xaalku noqday in reerka gabadha la siiyo duco, yarad, gabadhana loo iibiyo dahab noocyo kale duwan, xaflad aroos la dhigo, taasoo soo yarayareysay qarashkii badnaa ee miiyiga lagu bixin jiray.
Casrigaan 21aad ayaa waxaa soo if baxay gabdho iyo carmal u tafaxeetay ganacsi guur oo la yaabay.
Rag badan ayaa dabeesha ganacsiga guurka ku jabay oo ku kadsoomay dumar qayaano iyo damac badan uu hafiyey.
Dumarkaas ayaa waxay isugu jiraan gabdho waalidkooda ku gorgortama ayagoo u sheega raga soo doonta in ka badan 3,5 shan kun waana mid soo shaacbaxday dhawaan dhinaca kale garoobada ayaa inta ay ganacsi yar furtaan raga ay sheekeystaan ama haasaawaan ku xira in loo maalgeliyo mehrada ama carwada ay ganacsadaan taasoo u dhaxeysa 3 ilaa 5 kun.
Hagardaama raga qaarkood ayaa moodaa in ay daw ku tahay dumarka marka ay nimanka qaarkood kula dhaqmayaan cir weyni ganacsi halka raguna dabin la mid ah qaarkood u dhigaan halka laaca dumarku uu yahay mid qatar ah oo halis badan dhagartooda oo uu quraanka cadeeyey.
Haasaawaha ragga iyo dumarka Oo isu badalay lama arag lama maqal.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jira gabdho caadeystay guurkaasi ganacsiga ah oo oo raga ay is guursadaan ka macaasha tusaale waxaa jira gabdho ayaa sameeya in marka ay raga guursadaan, muddo kooban ka dib is furaan si hadane qarash kale oo la mid ah kii hore ama ka badan uga helaan raga kale si ay guur hadafkiisu yahay guur ku dhisan ganacsi.
Waxaad arkeysaa gabdho heystaa caruur badan oo aan isku aabo aheyn taa soo sababtay furiinka badan oo ka dhashay habka aan soo sheegnay.
Guurka gabdhaha da’da yar ayaa maanka kaga jira in ay sheegtaan meherkooda qiimo garaamaad dahab ah ama lacag aad u farabadan badan si markaa ay ugu furto seygeeda tashwiish si loo kala tago una xalaaleysato dahabka iyo alaabta.
Waana dhaqan layaab leh oo indhaha laga qaaday sanadahaan dambe laguna soo baraarugay.
Wadamada qaarkood ayaa dumarka la kala siistaa lacago aad u sareeyo, taasoo rag badan ku riday guur la’aan iyo guri la’aan halka hablaha ku baaliyoobaan guryaha.
Arintaan ma jirin xiligii nabiga scw guurka shuruudaha badan lagu xiro, kaliya muhiimada waxa ay aheyd in la siiyo meherka gabal yar oo dahab ayadoo wixii la heli karo la iskula seexan jiray.
Hadaba waa in laga waantoobaan gorgortan guurka ganacsiga ku dhisan loona soo laabto wadiiqadii ama dariiqadii hore iyo dhaqankii suubanaa.
WQ: C/salaam M. Yaasiin