Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Allaha u Naxariistee waxaa ay xalay Gudaha wadanka Koonfur Afrika ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysan jirtay dalkaas.

Labada dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.