Ganacsato Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka koonfurta suudaan

Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfurta Suudaan ayaa kulan muhiim sh la qaatay   Madaxweyne kuxigeenka daslkasi Mr. Dr. Benjamin Bol Mel

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay arrimmo badan oo ay kamid ahaayeen fursadaha la xiriira ganacsiga iyo maalgashiga dalkaasi iyo sidoo kale u hoggaansanaanta bixinta canshuuraha iyo qodobbo kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qiray kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ka geysanayaan dhaqaalaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isagoo ku baaqay in Ganacsatada Soomaaliyeed la siiyo maalgelibta Beeraha.

Madaxeyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan ayaa tilmaamay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kordhiso maalgelinta waaxda Beeraha si wax looga qabto loona kobciyo sugnaanta cuntada, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta reer miyiga. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa kale oo uu Ganacsatada u ballan-qaaday inay Xukuumaddiisa garab istaagi doonaan, isla markaana ay ilaalinayaan dhammaan maalgashiga iyo hawlaha ganacsi ee sharciga ah.

Wakiilada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu danbayn hambalyo diiran wax ay u direen H.E. Dr. Benjamin Bol Mel oo dhawaan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan iyo madaxa kooxda dhaqaalaha,iyagoo u muujiyeen sida ugu wanagsan ee ay ugu hanweyn yihiin hogaamintiisa,waxayna ugu dambeyntii u xaqiijiyeen inay garab istaagi doonaan.