Ganacsato Soomaali ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti iyo ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda dalkaasi ku soo gabagabeeyay shir looga hadlaayey sidii qurba-joogta Soomaalida ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Dalka Jabuuti.

Kulankaasi oo ay soo abaabuleen Wasiirka Ganacsiga Jabuuti iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga,waxaa ka qeybgalay 30 xubnood oo ka socday ganacsatada Soomaalida eek u dhaqan Dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye iyo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Yuusuf Muuse Dawaali oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhoweeyay ganacsatada Soomaalida ah,iyagoo sharaxaad ka siiyay fursadaha shaqo ee ka bannaan dalkaasi jabuuti.

Qaar kamid ah ganacsatadasi oo iyaguna hadlay ayaa ka dalbadan dadka Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti,halkii ay dhaqaalahooda galin lahaayeen dalal kale.