Galmudug oo tababar la xiriira ilaalinta iyo daryeelka bulshada u qabatay shaqaalaha Xafiisyada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dowlad goboleedka Galmudug  ayaa maanta tababar u qabatay Shaqaalaha Xafiisyada Maamulka Dhuusamareeb, kaasi oo  la xiriira ilaalinta iyo daryeelka bulshada, gaar ahaan fahahmka Siyaasada ilaalinta bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dowlad Goboleedka Galmudug ,Shamsa Cabdulqaadir ayaa sheegtay in daryeelka bulshada oo ah mas’uuliyad dowladda saaran aysan iminka wada saamaxi karin duruufaha jira balse iyadoo waajibkaasi la ilaalinayo la abuuray mashaariic lagu kaalmeynayo dadweyanaha oo ay dowladda ka taageerayaan hey’addaha samafalka.

Bashiir Maxamed Salaad, Afhayeenka Maamulka Dhuusamareeb oo u hadlay Shaqaalaha latabarayo ayaa sheegay in ay faham fiican ka qaadan doonaan dhamaanba dhacdooyinka ku hor gudban dadka nugul ee u baahan in wax laga qabto