Galmudug oo sheegtay inay bilaabayso Kuraasta ugu horreeysa ee Aqalka hoose BFS

Guddiga doorashada Galmudug ayaa Maanta Shaaciyey 5-ta Kursi ugu horreysa oo ay qabanayaan doorashadooda Maalmaha soo socda.

Kuraastaan oo kala ah HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#
026.
Maamul Goboleedyada kale ayaa sidoo kale la filaya in ay bilaabaan doorashada Aqalka hoose sida uu sheegay dhawaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka, iyadoo ay aheyd in 16ka bishan la bilaabo sida uu Guddiga horay uga dhawaaqay.