Galmudug oo sare u qaadeysa wax soo saarka Beeraha

Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ugu qabatay Beeraleey ka kaala yimid degmooyinka maamulkaas.

Tababarkan oo socon doono mudo saddex maalmood ah ayaa Beeraleeyda lagu bari doonaa kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta beeraleyda Galmudug, si loo kordhiyo wax soo saarka beeraha, isla markaana loo gaaro isku filnaansho cunto oo gaari karta heer qoys walbaa qayb ka mid ah guriga uu ku tacbado qudrada cagaaran.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Galmudug, Dr Axmednuur Xaaji Cusmaan oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa xusay in Galmudug door wanaagsan ka ciyaareyso kor u qaadista tacabka iyo beeraha,islamarkaana Dowladda Turkiga ay qeyb ka tahay dalalka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Beeraha si isku filnaansho cunto loo gaaro.

Madaxda Galmudug ayaa xoogga saaraya dhiiri-galinta wax soo saarka, waxayna ku dadaalayaan kororka wax tacbashada, iyadoo beeraleyda la siinayo gacan qabasho nuucyo kala duwan leh.