Galmudug oo Madaxweynaha JFS ku bogaadisay hirgelinta doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Caasimadda Muqdisho ee maanta sida nabad-galyada, xasilloonida, xaddaaradda iyo horumarka leh ugu dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Benaadir.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiga Qaran ee madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo hay’adaha ammaanka dalka oo sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana xaqiijiyay in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay tahay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, go’aanka taariikhiga iyo dadaalka joogta ah ee uu galiyay in 60 sano kaddib, shacabka Caasimaddu codkooda ku doortaan Matalayaashooda Golaha Deegaanka, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan in ay codkooda kusoo doortaan Madaxdooda.