Xaflad lagu maamuusaayey saxiixa heshiis ku saabsan mashruuca dayactirka garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb,ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Heshiiska saxiixaan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaadiidka Dowlad Gonoleedka Galmudug C/risaaq Maxamed Maxamuud.danjiraha safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Albert Fiki iyo xubno kale oo ka socday hey’adda WFP.
Mashruuca dayactirka garoonka oo socon doona illaa dhammaadka sanadkaan waxaa ku baxay lacag dhan 3-milyan iyo boqol kun oo doolar.
Mashruucaan oo ay ku yabooheen dowladda Talyaaniga ah,waxaa ku lug leh ama fulinaya hey’adda WFP