Galmudug iyo Muqdisho oo maanta lagu dooranayo toban xildhibaan

Waxaa maanta oo Khamiis ah ka billowday magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay ku qabsoonto doorashada toddoba kursi oo Baarlamaanka Soomaaliya ku meteli doona gobollada waqooyi ee Soomaaliland.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maanta kasoo baxdo Saddex xildhibaan oo maamulka Galmudug ku matelaya Baarlamanka Soomaaliya.