Galmudug iyo Koofur Galbeed oo maanta soo gabagabeynayo Doorashadii xildhibaanada Golaha Shacabka

Dowlad Goboleedyadda Galmudug & Koofur galbeed ayaa maanta soo gabagabeynayo doorashadii xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda halkaas ahayd.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Dooraneyso seddexdii kursi ee ugu danbeysay xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug.

Sidoo kale Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ina dooraneyso Toddobadii xildhibaan ee u danbeysay xildhibaanada laga sugaayey Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Horay ayaa sidoo kale waxaa loo soo gabagabeeyey Doorashada xildhibaanadii Degaan doorashadooda ay ahayd Somaliland iyo kuwii banaadiriga oo labadaba lagu qabtay Magaalada Muqdisho.