Gabdho tababar umulisanimo loogu qabtay Kismaayo

69 gabdho umuliso ah oo ka kala yimid 11 gobol oo dalka kamid ah ayaa magaalada Kismaayo loogu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan barashada xirfadda umulisonimada, kaas oo ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka Jubaland iyo hey’adda UNFPA.

U jeedka barnaamijkan lagu tababaray gabdhahan ayaa ah mid loogu gol leeyahay sare u qaadida tayada adeega caafimaadka ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan xilliga dhalmada.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ugu liito adeega caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.