GAARSIINTA GARGAAR DEG DEG AH MEELAHA LAGA XOREEYAY KHAWAARIIJTA ARGAGIXISADA AH.

Dalka waxaa ka socda Gulud dagaal oo kama dambeys ah, kaasoo lagu soo afjarayo maleeshiyada arxanka daran ee alshabaab oo caadeystay daadinta dhiigga dadka abriyada ah.

Iyadoo ay jiraan abaaro daran ayaa dadka shacabka ah ee muddo dheer ku hoos jiray gacanta gumeysiga alshabaab ee maanta arkay iftiinka xornimada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gargaar cunto iyo agabka lagama maarmaanka u ah nolosha isla markaana lala gaaro booyado biyo ah.

Waxaa habboon in ay is daba socdaan xorreynta iyo gargaarka, waayo waxaa laga yaabaa in aad ka dul tagtaan dad aad u liita oo macluul halis u ah.

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hay’adaha la midka ah waxaa looga baahan yahay in ay u muujiyaan dadaal dheeri ah una gurmadaan meelaha cusub ee u baahan taakuleynta.

Middeeda kale, dagaalka socdaa waa inuu ahaadaa saddax saf iyo taakuleyntii oo daba taagan, macnaha jiidda hore ee dagaalka waa inay ka dambeeyaan jiid labaad oo daba taagan iyo taakuleyntii oo daba socota.

Sidoo kalena, meel kastoo la xoreeyaa isla markaasba lagu wareejiyo ciidammada boliiska si ay usugaan amniga Meesha la xorreeyay iyadoo isla markaasna laga dhisayo maamul howsha toos u gala.

Iska soco ee dib usoo noqo suura gal maahan ciidanka milliteriga waa xoreynaya  booliskana wuu la wareegayaa meeshii la xorreeyaba si aan loo soo daba maryeynin maamulkuna adeeggii loo baahnaa ayay durbadiiba qanabayaan.

Howshu waa inay isdaba joog ahaataa, si dadka la xoreeyay aysan u dareemin wax firaaq ah oo Meesha ka bannaan.

Dhanka kale, madaxda ugu sarreysa dalka waxaa fiicnaan lahayd in ay ka muuqdaan jiidaha hore ee dagaalka si rikoor fiican ay dunida ugu yeeshaan iyo quluubta shacabkaba, waayo dagaalkan waa dagaal is xoreyn ah.

Dowladaha caalamka ee saaxiibada dhow ah waa inay dalka la soo gaaraan gargaar iyo gurmad deg deg ah taasoo micnaheedu yahay in dalku ku jiro laba dagaal oo kala ah mid argagixiso la dagaallan ah iyo mid abaar la dagaallan ah.

Sidaa daraadeed, si ay guusha u noqoto mid huban waa in howluhu isdaba socda.

Marka dagaalka noocaan ah oo kale  lala galayo argagixiso dalka ku raagtay waa in aan marna gadaal looga noqon waayo haddii tashuush yimaado oo meeshii la qabtay dib looga soo baxo argagixisadu waxay dib u laaynayaan dadkii maatida ahaa ee lagu kor dagaallamay taasina uma fiicna dadka deggan meelaha la xoreynayo, waa in wax badan laga fiirsadaa arrimaha noocaan ah oo keeni kara fashil.

Haddaad maqasho qaa’in wadan waa kan markan oo kale dhabar jabiya ciidammada dagaalka ku jirta oo sirtoodana siiya cadowga lala dagaallamayo, kaasii jisadiisu waa dil waana in la raacaa xeerarka dagaalka u yaalla.

Xilligaan soo qabashada argagixiso dagaal kaala soo horjeedda wax faa’iido ah ma laha ee wuxuu mudan yahay in uusan soo dhaafin barta lagu arko, waayo dal iyo dadba wax dambe uma tarayaan.

Xaqiiqo waxaa ah markay arkaan xanuunka xabadda in ay isa soo dhiibaan taasina uma geynin jaceyl ee waxaa ugeysay cabsi marka waa in loo fiirshaa sharciga iyo xeerarka militeri waxay ay ka qabaan argagixiso hubeysan ee dalkiisa duulaan ku ah, Kuwa ajnabiga ahna waa in barta lagu dilo waayo wuxuu soo doontay ayaa sidaa ahayd.

Talo kooxaha hujuumka ah ee qaadaya weerarka waxaa habboon in dagaalku lahaado bar hoggaamineed iyo taakulelynta, sida caafimaadka, rasaasta waa inay ka kala go’in dagaallamaha.

Waa in baleenka iyo qariidadduba si fiican loo dejiyaa waayo dagaal waa siyaasad iyo tab howlgelineed.

Taagtiiggu hadduu xumaado ama ay hagari ku jirtu badanaa dagaalkaasi guul lagama gaaro, taana waa mid muhiim ah.

Dardaaran:

Ciidammada ku jira jiidaha hore waa inay gacmaha is qabsadaan iyaga iyo shacabka is xilqaamay una naxariistaan dadka ay xoreynayaan marka ay gacanta usoo gasho degmo tuulo ama gobolba, waa inay tusaan dadka inay ka beddelan yihiin kuwii gumeysan jiray, waayo dadkan wax badan ayaa horay loogu shubay oo waxaa laga yaabaaba in uu kuu heysto gaalo qabsatay, taa daraadeed waa inay dadka wacdiyaan tusaan inay yihiin dowladda una sheegaan inay yihiin dad muslim ah oo aanay ahayn dad gaala ah.

Waayo qofkani isagoo reer miyi ah oo aan weli garaadsan ayaa la dul degay lagana dhaadhiciyay wax aan Alle iyo Rasuulkiisuba aysan raalli ka ahayn

Sidaa daraadeed, waa in gargaarka iyo taakuleyntuba ahaadaan dadka tabarta yar ay ahaadaan mid Alle looga cabsado.

Dalka Edatorial