GUDDOOMIYAHA G/SHACABKA OO KULAN LA YEESHAY SARAAKIISHA CIIDANKA QEYBTA 60-AAD EE XUDDUR

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoo ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreynayo.