G๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ

Kismaayo(Wargeyska Dalka):-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu ugu kuurgalo xaaladaha abaaraha ka jira dalka.

Wafdigan waxaa qeyb ka ah hayโ€™adaha gargaarka iyo ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha baniiโ€™aadanimada iyo isku-duwidda gargaarka.

Wafdiga ayaa booqan doono xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla deegaanada hoostaga Kismaayo, si ay u qiimeeyaan xaaladaha nololeed ee dadkaasi wajahayaan.