Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha

Changsha:- Magaalada Changsha ee dalka Shiinaha waxaa lagu qabtay dhacdo taariikhi ah oo farxad iyo xusuus gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, kadib markii markii ugu horreysay filim Soomaali ah si rasmi ah looga daawado tiyaatar ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee Shiinaha.

Filimka la daawaday wuxuu ahaa The Gravedigger’s Wife oo uu sameeyay Khadar Aydarus Ahmed, waana filim xambaarsan sheeko jacayl, sabir iyo naf-hurnimo ah, oo si qiiro leh uga hadlaya nolosha qoys Soomaaliyeed oo la tacaalaya duruufo adag. Filimkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamijka Todobaadka Filimada Afrika iyo Shiinaha oo sanadkan lagu qabtay magaalada Changsha.

Bandhigga ayaa noqday mid si weyn loogu dheg taagay, iyadoo hoolka tiyaatarka uu ka buuxsamay daawadayaal Shiine ah, gaar ahaan dhalinyaro, kuwaasoo si kal iyo laab ah ula socday filimka oo af-Soomaali ku baxayay. Dadkii daawanayay waxay muujiyeen faham iyo xiise dhab ah oo ay u qabaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sheekooyinka nolosha dhabta ah ee laga soo tebiyo Bariga Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta iyo fududeynta in filimkani, iyo laba filim oo Soomali ah oo kale, The Night Thief, iyo Will My Parents Come to See Me, ay ka mid noqdeen bandhigga, waxaana munaasabadda si rasmi ah uga qeyb gashay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo si kalgacal leh ula qabsatay daawadayaasha, kana jawaabtay su’aalo ay weydiinayeen kadib daawashada filimka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadcelisay guddiga qabanqaabada China-Africa Film Week iyo Abdirahman Fiili, kaasoo dadaal weyn geliyay in filimada Soomaaliyeed la gaarsiiyo tiyaatarada Shiinaha, una arkay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka labada dal ee dhinaca dhaqanka.

“Waa maalin aan ilaawi doonin. Markaan arkay dhalinyaro Shiine ah oo dhegaysana afkeenna una ilmaynaya sheeko Soomaali ah, waxaan dareemay in dhaqanka iyo filimku uu yahay buundo dhab ah oo dalal kala fog isku keeni kara,” ayay tiri Danjire Hodan.

Safaaradda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageeridda dadaallada noocan oo kale ah si dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed loogu soo bandhigo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, ayna sare u qaaddo is-fahamka iyo xiriirka bulsho ee Shiinaha iyo Soomaaliya.