Sanad kasta marka aya da’aan roobab mahiigaan ah aadna u buux dhaafaan labada webi ee mara Soomaaliya waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin isugu jira mid hantiyeed iyo mid nafeed waxaana loo qeyliyaa hey’adaha iyo maamulada ka jira dalka taas oo aan habbooneyn marka ay wax dhacaan uun in la qeyliyo .
Xalka adduunyadu waa ka hortag iyo ka dabatag , ka dabatagguna wuxuu yahay xalka dhibaatadii dhacday goor ay wax dhinteen waxna burureen waxna dhinteen.
Meyd dad iyo xoolaba leh soo fiirintiisa wax macano ah ma sameyneyso sababtoo ah waxna wey dileen waxna wey burbureen waxaana loo baahan yahay oo keliya in nolosha laga fekero sidaas oo kale gurmadka waxaa uu habboon yahay inta aaney wax dhicin in laga hortago.
Soomaalidu aad bay u yaqaanaan weliba sida fatahaadda webiga looga hortago kuwaas oo ah;
– In aan la degaameyn meelaha uu webiga ka soo jabsanayo xilliyada roobabka
– In loo furo dhammaan kelliyada lagana qaado qashinka iyo ciidda goysay.
– In xilliga jiilaalka laga saaro qashinka lagana qaado carrada.
Soomaalida waxay ku mahmaahdaa ‘iskaashato ma kufto haddey kuftana ma kacdo” hadaba iskaashiga wuxuu furan yahay xilliga aan roobabka di’in ka hor oo aaney dhicin fatahaadda .
Haddii si wadajir ah loo fekero lagana qabto webiga shaqo wadajir ah oo ganacsatada iyo dadka hantida heysta ay juhdi ku bixiyaan dadweynuhuna uu gacan ku siiyo dhibaatada fatahaaddu wey yaraan laheyd waxaana soo noqnoqda sanad kasta in uu webigu dhibaato u geysto degaanka iyo nolosha dadka iyo dalaggii beeraha .
Miyeysan habboneyn biyaha soo fatahaya in loo sameeyo harooyin si looga faa’ideysto xilliga jiilaalka ee ay biyo la’aantu jirto.
Wax badan ayey anfaci lahaayeen haddii biyo xireenno loo sameeyo.
Haddaba intii ay soomaalidu ka faa’ideysn laheyd ayaa hadana waxaa dhacda in ay dhibaato ka soo gaarto soomaalida.
Waxaa jooga injineerro iyo deegaan yaqaan wax ka qaban kara haddii la kaashado maskaxdooda .
Xilligii dowladdii dhexe webiga xilliga jiilaalka ee uu maran yahay ayaa laga shaqeyn jiray oo weliba meelaha dallcadda ah hoos loo qodi jiray waxaana looga faa’ideysan jiray si aan biyuhu u soo fatahin xilliga roobabka.
Waxa kale oo laga shaqeyn jiray kelliyada ku xeeran webiga .
Soomaalida waxaa looga baahan yahay iskaashi maskaxeed iyo isugeynta awoodda ayna degaankooda si wadajir ah wax uga qabtaahn.
WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre