Madaxweynaha JFS oo u Hambalyo u diray Haweenka Soomaliyeed Maalinta Haweenka Adduunka awgeed

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo iyo bogaadin  u diray dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay Dunida ka joogaan,  munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso awgeed.

Haweenka Soomaaliyeed waxay Laf-Dhabar u yihiin Horumarka Bulshada iyo Dhismaha Dowladnimada, waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan halganka Qaran ee lagula jiro Khawaarijta, iyagoo aasaas u ah Howlgallada Xoreynta iyo barnaamijyada Dib u Heshiisiinta.

Sidoo kale, Haweenka Soomaaliyeed waxa ay Hormuud ka yihiin Barnaamijka Dimuqraadiyadda Dalka, gaar ahaan Hirgelinta Doorashooyinka Dadweynaha ee Qof iyo Cod.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la xoojiyo ka-qaybgalka Haweenka ee Hoggaaminta, Siyaasadda iyo Go’aan-Qaadashada.

Ugu Dambayn, waxaan ku bogaadinayaa Haweenka Soomaaliyeed Dadaalkooda, Dulqaadkooda iyo Kaalintooda lama Ilaawaanka ah ee ay ku leeyihiin Horumarka Dalka.

Waxaan idiin rajaynayaa Horumar iyo Guulo joogto ah.