faransiiska oo sii daayey ruux loogu shakisanaa inuu lug ku lahaa dilkii Wariye Jamal Khashoggi

Wadanka Faransiiska waxaa xabsiga laga sii daayey qof ay hore ugu xireen inuu ku lug lahaa dilkii ka dhacay Istanbul 2018-kii kaas oo lagu dilay weriyihii caanka ahaa ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, ka dib markii ay ogaadeen in ninkani aanay wax lug ah ku laheyn dambiga loo heysto ee lagu soo xiray.

Ninkan oo sitay Baasaboor magaciisa lagu sheegay Khalid al-Otaibi, ayay ciidamada booliska xuduudka Faransiiska ku xireen garoonka weyn ee magaalada Paris Talaadadii isagoo isku diyaarinayay inuu u duulo Riyadh, sida ay sheegeen booliska iyo laamaha garsoorka.

safaaradda Sacuudiga ee Paris ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Talaadadii waxay ku sheegtay in ninka la xiray “uusan wax lug ah ku lahayn kiiska laga hadlayo” waxayna dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo.