FANAAN CAALAMI AH OO SI DHAB AH U SOO JIITAY INDHAHA CAALAMKA

Saaxibul Malaayiin C/rashiid Muxidiin Kaalmooyi, oo hantiyay quluubta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo carabta, waa fannaan aan oran karo wuxuu kor u qaaday magaca iyo sumcadda umadda Sooomaalida, isagoo si fudud u adeegsanay codkiisa ugu heesaya Soomaali iyo carabi labaduna isugu mid yihiin.

C/rashiid wuxuu ku dhashay Muqdisho, wuxuuna ku soo koray dalka yemen oo ay tageen isaga iyo waalidiintisa 1993- dii dhamaadkeeda isagoona halkaas wax ku bartay kuna soo barbaaray Cabdirashiid wuxuu fanka uga soo biiray dalka yemen markii ay ka saacideen fannaaniinta reer yemen iyo qolo imaaratiyiin ah, waayo wuxuu ahaa wiil dhallin yaro ah oo aad u cod macaan, haatan C/rashiid wuxuu ku nool yahay dalkiisa hooyo.

Sooomaali Wa Aftaqir, heestan waxaa sameeyay C/rashiid, laxanka iyo musikadana isaga ayaa iska leh Heesta Soomaalunaa intal amal, sidoo kale heesta Muqdisho, sidoo kale Soomaali yaa ardul kiraam iyo kuwo kale waxaase si aada ii soo jiitay Astaanta Calanka siduu Carabiga ugu tarjumay una tusay caalamka inaan leenahay Astaan Calan iyo inaan nahay dalka mida dunida Carabta.

Cabdirashiid wuxuu awood u leeyahay in uu alifo laxameeyo, kuna heeso dhammaan heesaha carbeed, balse mihnaddiisa faneed cabdirashiid wuxuu ku wajahay in uu dunida u soo bandhigo Soomaaliya waxay tahay, isagoo si ba’an ula diriray fikradihii qaldanaa ee ajaanibtu ka heysteen Soomaaliya, tusayna wajiga dhabta ah ee Soomaaliya isaga oo ugu taana taaneynayaa luqadda carabiga.

C/Kaalmooy wuxuu soo saaray fannaaniin cod macaan oo aad u da’yar loomana qaadan karo intuu dalka joogay iyo intuu qabtay wax isla egna maahan.

Waa fannaan dhab ahaantii ay ka go’an tahay soo bandhigidda quruxda iyo haybadda Soomaaliya, waana muwaadin dhab ah oo ku faana dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidoo kale, Waxaa mudan in la xuso C/rashiid inuu gacan weyn ka helo Walaalkiis oo isagana ah fanaan ban baxay, waxayna badanaa leeyihiin koox aan loo geli Karin oo ku heesa dhammaan luqadaha kala duwan sida heesaha Hindiga, Turkiga iyo Carabiga iyo weliba Soomaaliga, fannaaniinta noocan ahi waa kuwa maanta uu u dalku u baahan yahay, waayo fannaanka la hadli kara dunida ee ka dhaadhicin kara qaddiyaddaada iyo waxa jira waa muhiim waana mid aad u qeymo badan.

Waxay kaalin weyn ka ciyaareen C/rashiid iyo kooxdiisa beejajka Youtube-ka, waxaana reaction ama falcelin badan ka bixiya Maalaayiin shacab kala duwan ee dowladaha caalamka, waxaana si weyn loo faaliyaa markasta oo ay hees soo dhigaan C/rashiid iyo kooxdiisa.

Sida aan isleeyahay kooxdan waxaa asaasay C/rashiid oo aan ognahay markii uu ka soo laabtay dalka yemen isla markiiba ku dhaqaaqay inuu horumarka dalkiisa u muujiyo dowladaha kala duwan ee dunida gaar ahaanna ku carabta, wuxuuna wax ka beddelay kuwo badan oo Soomaaliya ka heystay fikrado qaldan markii ay dhageysteen heesaha Al-fanaan C/rashiid Muxyidiin.

Waxaa ammaan iyo Sharaf mudan qof kast oo Soomaali ah oo dalkiisa ciddi in la’eg u qabtaa, waxaana u rajeyneynaa in C/ rashiid uu halkaasi ka sii wado howlaha adag ee uu Qarankiisa u hayo.

W/Q: Osman Dhiblaawe