Kadib markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa siyaabo kala duwan loo kala fasirtay, iyadoo qoloba meel u jiidatay ama u fasiratay, balse waxaa caqiiqo ah in War-murtiyeedku uusan aheyn go’aan ee ay tahay oo kaliya qodobo asaas u ah geeddi socodka hanaanka Dowladnimo, ansaxinteedana waxaa iska leh Barlamaanada Dalka ka dhisan, sidaasi awgeed waxaa tafaasiilo dheeri ah ka bixiyay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeysa ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, haddaan soo qaadanno waxyaabihii uu ka yiri Raiisul-wasaruhu, isagoo aad u sii jilicinaya War-murtiyeedkaasi.
“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.
“Dastuurkeenu waa inuu dhameystirmaa, waa in Deyn cafintu hirgashaa, Dalka waa in aan Kooxaha Argagixisada ah ka xoreynaa, marka anaa maqan iyo hebelaa maqan, hadaad maqan tahay Kaalay imow, cid miyaa kuu diidan, waliba waa lagu tuug tuugayaa, caqligaga la rabaa maskaxdada la rabaa waa lagu tanaasulayaa, soo fariiso hadaad soo fariisan weydo adiga shaqsiyan dadka waxaad rabtid ha u sheegin “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu hadaladaasi ka jeediyay mar uu shir- guddoominaayay shirka golaha Wasiiradda ee Todobaadkii la soo dhaafay ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda, wuxuuna Raiisul-wasaaruhu sii raaciyay “𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗺𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray Wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadafka Xukuumadda (DanQaran) waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad ku soo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”.
Dhinaca kale waxaa kaloo jirta in ay Maasuuliyiin badan ka falcelisay War-murtiyeedkaasi, iyagoo siyaabo kala duwan u dhigay waxaana ka mid ah Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, islamarkaana ahaa Wasiir hore ayaa sidan ku qoray Bartiisa Baraha Bulshada.
“Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaan fiirinayay micnaha ay ku fadhiyaan dareemada falcelinta ah ee laga sameeyey go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen 27-kii bishii May 2023-ka., waxaan arkay aqoonyahano kooban iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Dawlada Federaalka ah oo diidan ama dhaliilaya go’aanka Golaha laakiin ma jirin cid la timid aragti ama proposal siyaasadeed oo lagu bedelo, marka laga reebo Professor Afyare oo nidaamyo la kala dooran karo isbarbardhigay.
Hadaan soo koobo guuxa ka dhashay go’aankii GWQ waxaa iiga soo baxay laba arimood oo aan aad u qariibsaday ama ula yaabay, qodobka koowaad: Siyaasiyiin badan ayaa ku dooday waxaa lagu xadgudbay awood qaybsigii beelaha Soomaaliyeed ku heshiiyeen, waxaan isweydiiyey tolow beelaha Soomaaliyeed goormay miis wax ku qaybsadeen oo awoodaha dalka intay kala qaybsadeen ku heshiiyeen, Tusaale ahaan ma waxaa dhacay Shir Digil & Mirifle fadhiyey oo lagu heshiiyey in ay qaataan Gudoomiyaha Barlamaanka oo aanay weligood kursi executive ah ku fadhiisan mise maxay sugayeen in maanta oo kale la gaadho oo ay tirada iyo tayada dadkooda Soomali kula saami qaybsadaan!!!. Qodobka labaad: waxaan arkay Puntland oo dhahaysa GWQ xaqdaro ayuu ku dhisan yahay ee waa in go’aamada ay qaadanayaan ka soo bilowdaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh, kadibna Barlamaanka soo maraan oo sidaas ugu gudbaan Madaxweynaha iyo GWQ, waan rumeysan waayey waayo ilaa 2005-tii Puntland ayay ahayd cida ugu adag ee diidi jirtay in shaqooyinku ka soo bilowdaan Golayaasha Qaranka oo dhihi jirtay arrimaha Masiiriga ah waa in GWQ ka doodaan ka dibna wixii ay isla qaataan loo gudbiyaa Golayaasha Dawladda si ay u ansixiyaan.
Waxaan ku soo xidhayaa waynu soo aragnay Qaran dulmi iyo xaqdaro ku dhisan inta uu socon karo iyo waxa ka dhalan kara. qofkii caqli lihina maanta wuu fahmayaa in aan 60 sano ka dib Soomaaliya aanay ka dhismi karin, Dastuurna ku gudbi karin Dawlad been iyo xaqdaro ku dhisan ee laba inoo kala doora (1) in aynu sida Mareykanka labadaa Xisbi ku kala faylno oo qabiil la waayo oo nin waliba Xiniinyihiisa fuulo oo Soomaali isu dhan cod ka raadsado iyo in aynu ku sii jirno circle-ka Qabiilka oo sidii 1967 furano 150 Xisbi oo jufooyin ah, kuraastana ilaa Agaasime waaxeed qabiil iyo tirada beelaha ku qaybsano oo Dastuurka ku qorano, Canshuurta iyo dhaqaalahana reer waliba wixiisa urursado, labadaas inoo kala doora ka hor intaan Dastuurka la keenin golayaasha Dawladda”, ayuu ku soo gabgabeeyay Qoraalkiisa Xil. Maxmed Cabdi Xayir Maareeye.
Haddaba Soomaaliyeey yaynaan fiirin siyaasi dan wata oo uusan idin ku fuulin jaran-jarada sida aan hore u soo aragnay aanna iska himlinno Wararka la isla dhexmarayo, balse aan taageerno waxa ay danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed ku jirto, Dalkuna ku gaari karo Nabad, horumar iyoBarwaaqo.