Falastiin oo ugu digtay Israa’iil in ay waxyelleeyso Al-Aqsa

Digniin ay si wada jir ah u soo sareen Shacabka, Saraakiisha iyo ciidamada Kooxaxa hubaysan ee reer Falastiiniyiinta, ayay ugu digeen Ciidamada Yahuudda in ay galaan Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay waxyeello ka geeystaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay in ay qorsheeynayaan in Masjidka Al- Aqsa ay ka taagaan calankooda maalinta beri ah, iyagoo u dabaal dagaya sannad guurada waxa Tel Aviv ay ugu yeertay Maalinta Xorriyadda

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ayaa Bayaan maanta oo Arbaca ah ay soosaareen ku sheegay in iyaga oo kaashana Shacabka ay ka hortagi doonaan damaca ciidamada Israa’iil ay ku doonayaan in berito ay gudaha ugu galaan Masjidka Al-Aqsa, si ay Calankooda ugu taagaan.

Xamaas ayaa Bayaankooda ku soo gabagabeeyay in qasaaraha halkaas ka dhaco mas’uuliyadeeda ay qaadan doonaan Israa’iiliyiinta ku soo duushay.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay mas’uuliyad iska saaraan joojinta dagaalka iyo daan-daansiga Ciidamada Israa’iil ay ku hayaan dhulka iyo xurmaha dadka reer Falastiin.