Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.
Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.
Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu sheegay in aanay jirin maalmo kale oo camalka suuban uu Alle agtiisa kaga qiimo badan yahay tobankaas maalmood.
Inta lagu jiro Dul-Xaj, malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa isugu yimaada magaalada barakeysan ee Maka si ay u gutaan acmaasha Xajka. Sida in xujaydu ay ku wareegaan Kacbada, istaagga Carafa, iyo in ay dhagxaan ku tuuran Shaydaanka. Xataa kuwa aan xajka gudanayn, bisha Dhul-Xaj waxa ay siineysaa fursado badan oo ay kula yimaadaan acmaal aad u qiimo badan oo Alle loogu dhawaado.
Bisha Dul-xaj waxey ka mid tahay Bilaha Xormada leh, waxeyna lagaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo acmaal waa waweyn. Bilshada bisha Dul Xaj ayaa waxay ku beegnayd taariikh 19.6 2023 taasi oo aheyd Isniintii aan soo dhaafnay.
Waxaana uu Allah Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uu ku dhaartay taasoo tuseysa Weynida Tobanka beri ee u horreaysa Bishan dulxajj.
Wuxuu yiri Nabigeenii Muxamed SCW maamlo ma jiraan acamaasha la sameeyo uu allaah ka jacel yahay tobankaan maalmood ee Dulxaj.
Hadaba ruuxa muslimka ah waa inuu ka Faa’iideystaa maalmahan ugu horreeya Bisha Dul-Xaj oo uu sameeya acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :
- salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunadaha ah .
- in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda,[Nabigeeni Muxamed ahaa SCW wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee Dulxijah iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .
- Si gaar ah in loo soomo maalinta sagaalaad waayo Soomka Maalinta sagaalaad (carafo) aad ayuu u fadli badan yahay, waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto .
Nabiga Maxamed (SCW) waxa uu sheegay ineysan jirin Maalmo uu Allaah (SWT) agtiisa loogu jaceylyahay Camalka wanaagsan ee ruuxa muslimka ah uu sameeyo Tobankan Maalin camalka uu sameeyo.
Waxaa Rasuulka Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Rasuulki Illahayow Jihaadka loo galo Alle Dartiis.
Rasuulka SCW waxa uu ku jawaabay: Xataa Jihaadka loogalo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux Labaxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon mooyaane.
WD: Ibrahim Warsame