Waxaynu soo gaarnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u balaadhan sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe, waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxeexul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)
Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaadho tobanka danbe ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray)
Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).
Fadliga tobanka dambe ee bisha ramadan
1. Fadliga laytul qadriga.
Qur’aanka ayaa lasoo dajiyay habeenkan.
Wuxuu Allaah sw qadaraa habeenkan wax walba oo dhacaya sanadka danbe.
Waa habeen barakaysan.
Cibaadada habeenkaa la cibaadaystaa waxay ka fadli badan tahay camalkaad qaban lahayd 1000 bilood ( 83 sano iyo dhawr bilood ).
Maala’ikta ayaa habeenkan lasoo degta khayr iyo barako badan.
2. Maxaa laqabtaa laylatul qadriga?
Salaatu layl
Ictikaaf
Duco
Camalka wanaagsan dhammaantii( sadaqada, adkaarta iwm )
3.Waa goorma laytul qadrigu?
Waxaa laysku waafaqsanyahay in uu habeenkani ku jiro bisha Ramadaan, waliba tobanka danbe, wuxuu yidhi Nebigu : ﷺ ” ka day daya oo ka baadhbaadha 10ka danbe khasatan habennada tirada is dheer. ” ( 21,23, 25,27, iyo 29 ka).
4.Ma guur-guuraa laylatul qadrigu?
Sida ay culumo badan qabaan habeenkani wuxuu ku wareegaa habanada tirada is dheer ee 10ka danbe, iyadoo lays waafajinayo axaadiithta badan ee ku tumid habeenku yahay laytul qadrigu.
5.Maxaa lagu ducaystaa laylatul qadriga?
Ca’isha rc ayaa weydiisay Nebiga N.N.K.H maxaan ku ducaystaa habeenkan, wuxuu ku yidhi Nebiguﷺ: dheh.
” اللهم إنك عفو تحب العفو فاعف عنا ”
” Allaahumma innaka cafuwun tuxubil cafwa facfu canii. ”
6. Calaamadaha lagu garto laylatul qadriga.
Ubayi ibnu kacab rc: wuxuu yidhi wuxuu Nabigu ﷺ noo sheegay in habeenkan aroortiisa cadceedu soo baxayso iyadoo saafiya, oo bilaa shoocaac ah.
Gabagabadii: Waxaa nafteyda iyo tiina kula dardaarmayaa inaan ku deddaalno cibaadada noocyadeeda kala duwan si uu naxariis iyo nabadgelyo korkeena uga yeelo ilaahay habeenkan qiimaha badan ee leylatul qadriga.