Caanaha naaska hooyada waa caano isku dheelitiran oo rabaani ah oo fatamiinnada iyo wax kasta oo la xiriira nacfiga jirka ay ku dhan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin Brotin, kaalshiyam, biyo, fosfaris, iyo noocyada kale.
Naas nuujinta waxay cunugga ka difaacdaa cudurro badan wuxuuna cunugga markaasi dareemaa kalgaceylka hooyada
Hooyada inta ay uurka leedahay waa in ay la socota xaaladdeeda oo ay ku xirnaataa xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka (MCH) ugu dhaw iyo dhaqtarka markaasi ku taqasusay cudurrada haweenka jinakolijiya
MCH-ku wuxuu hooyada ka caawiyaa tallaalka ay u baahan tahay iyo xaaladaha arrimaheeda halka dhaqtarka cudurrada haweenka qaabilsan uu ka caawin karo hooyadaasi uurka leh xaaladaha ay ku sugan tahay kama dambeysta sida in ilmahu uu yahay mid caadi ku dhallan kara ama in uu yahay mid u baahan qalliin oo cunugga yari ee caloosha ku jira uu si dadab ah ilmo galeenka ugu jiro waana mid muhiim ah in markasta lala socodo xaaladda haweenka uurka leh.
Inta hooyada umusha ay ku jirto marka laga billaabo xilliga ay dhasho cunugga waa inay heshaa daryeel gaar ah iyo nafaqeyn waa sidaasiyee waa lama huraan hooyada in ay ilmaha yari nuujiso maalmaha hore oo aysan noqn arrintu caanaha waa dambar lama nuujin karo cunugga yari waa inuu helaa xafidaad daryeel, iyo naas nuujin joogto ah muddo laba sano ah sida ay diinta islaamka ay qabto
Cunugga yari waa in si waqtiyeysan loo jaqsiiyaa naaska, ilmaha yari waa in lagu habaa ama lasiiyaa biyo bad qabaa ama nadiif ah oo qafiif ah sida biyo caafi islamarkaasna loogu qabeeyaa saabunta caruurta looguna dhaashaa kareemka loogu talagalay iyo saliiddaba
Waxaa jira bilo yar ka dib hooyada ilmaha in ay ku billowdo caana booraha qasacyada ku jir ee kala duwan kuwaasoo wax faa’iido ah aan u lahayn cunugga marka la barbar dhigo naaska hooyada oo ah kan ilmaha yari koriya jir ahaan iyo maskax ahaanba inkastoo masaasadda aan looga maarmin xilliyada uu gar guurashada balse caanaha la siiyo ay noqdaan kuwa ariga ama lo’da
Goor walba waxaa wanaagsan in caanooyinkale aan lagu degdegin gaar ahaan caana booraha oo si joogta ah loogu habaa naaska hooyada ka dibna la siiyo caanaha mamex ka dibna kuwa kale haddii aan laga maarmin iyadoo laga taxaddarayo ugu dambeyn ogoow hooyo in naas nuujintu tahay wadiiqada keliya ee Asw ugu talagalay in lagu quudiyo muddo laba sano ah sidaa daraadeed dareel cunuggaaga yar.
WQ: Ibraahim A. Ali