Faah-faahinno dheeri ah oo ka soo baxaya qaraxyadii ka dhacay Beled weyne

Beled weyne- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan deggen, waxaana socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka dib qaraxyo is xig-xiga oo xalay fiidki ka dhacay magaalada Baladweyne.

Ku simaha Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Bashiir Caddaani  ayaa sheegay in qaraxii hore uu fuliyay ruux watay Jaakad lagu xiray walxaha qarxa, halka kan kalena loo adeegsaday  gaari Nooha ah.

Qaraxa koobaad oo ka dhacay xerada Lama-galaay ayaa waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd baarlamaankii 10-aad, xildhibaan hore, Cali Cabdi Dhuxul oo haatanna ka mid ahaa musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP#058 iyo siyaasiyiin kale.

Waxaana sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Maxamed Cumar Xaashi Aaden oo isna ahaa murashax xildhibaan.

Qarax kale oo loo adeegsaday gaari Nooho ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 qof oo u badan rayad, waxaa uu burbur xooggan soo gaaray Isbitaalka guud ee magaalada iyo goobo ganacsi.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne ayaa loo qaaday Isbitaallada gaarka ah ee magaalada halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdoodda.

Taliye Bashiir Caddaani ayaa sheegay inay wadaan tira koobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarradaasi, wuxuuna intaa ku daray in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka dhan ah argagixisada.