Faahfaahin ku Saabsan Diyaarad ku Burburtay Garoonka Caabudwaaq

Diyaarad kuwa sida joogtada ah qaadka Meerowga ah uga keena dalka kenya, ayaa maanta ku burburtay Garoonka Ku Meel Gaarka Ah ee Degmada Caabudwaaq.

Sida ay Maamulka Garoonka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka Diyaaradaan ayaa ka weecatay Dhabaha Garoonka waxyar kadib markii ay soo caga dhigatay, taas oo keentay in ay baalasha ay la jiirto dhirta kaabiga ku haysa Garoonka.