Faah faahino laga helayo qarax ka dhacay magaalada Jowhar

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahiyay Khasaaraha ka dhashay Weerar fuleynimo ah oo ay kooxda Argagixisada ah ee Al shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaaladda Jowhar.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo deganaa hotelka la weeraray, sidoo kale, waxaa bur buray xeydaabka dhismaha Hotelka, wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan khasaaro dhimasho oo qaraxa ka dhashay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa lagula tacaalayaa cisbitaalka magaalada Jowhar.