Faah faahin laga bixiyay howlgallo ka dhacay Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya Soomaaliya noocyadooda kala duwan sida, Millateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saacadihiia la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Garbahaaray ee xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku jireeen waxay weerar ku qadeen goobo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana la sheegaya in maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa la gaarsiiyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole, ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa sugida Amniga doorashada, isla markaana ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Garbahaaray oo ay ka mid ahayeen Tuulo Barwaaqo, Kabis, Maykaa-reebe iyo degaano kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, sidoo kalena ay kala wareegeen goobahii ay kaga dhuumaalaysanayeen.

Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, taasi oo amaankeeda aad loo adkeeyay.