Ethiopia oo Bilaabaysa Wajigii u Dambeeyay Howlgalka Gobolka Tigree.

Militiriga Ethiopia wuxuu bilaabi doonaa wajigii u dambeeyay howlgalka ka dhanka ah mucaaradka gobolka Tirgee, sidaa waxaa sheegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo bayaan soo saaray khamiistan maanta ah.

Hadalkan ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday 72 saac oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay in ay isku soo dhiibaan dagaalyahnada TPLF.

“72- saac oo aan siinay dambiiliyaasha TPLF in ay isku soo dhiibaan waa uu dhammaaday howlgalka ciidankeena wuxuu galayaa wajigii u dambeeyay,” ayuu Twitter ku soo qorey.

Waxaa uu intaas ku daray, in shacabka loo tureyo isla markaana horey waxaa isku soo dhiibay kumanaan dagaalyahno ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan qortay saaka ayaa sheegtay in aysan awoodin in xiriir la sameyso TPLF, sidaas awgeed sheegashada labada dhinac si madaxa banaan looma xaqiijin karo, sidoo kale isgaarsiinta degaanka ayaa hawada ka maqan.

Ergay ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Ethiopia waxayna ka codsadeen madaxda dalka in arrintan nabad lagu dhammeeyo, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka walaacsan dagaalka waqooyiga Ethiopia ayagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto shacabka.

Abiy ayaa 72 saac u qabtay TPLF in ay hubka dhigaan haddii kalena ay wajahi doonaan dagaal adag, buuraleyda ku heeran xarunta gobolka Tigree ee Mekelle ayaa la isku hayaa, magaalada waxaa ku noo 500,000 oo ruux.

Kumanaan shacab ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale waxaa jira burbur aad u bahsan oo ay sababeen duqeymaha dhanka cirka ah, affarta bishan ayuu bilowday dagaalka u dhexeeya militiriga Ethiopia iyo xooggaga jabhadda xoreynta dadka Tigree ee TPLF, in ka badan 42,000 oo qof ayaa u kala qaxay dalalka Suudaan iyo Eritrea.