Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkey ee Soomaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkey ee Soomaliya Amb. Mehmet Yilmaz

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Turkey-ga ay gacan uga geysan karaan, Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Ugu dambeyn, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.