Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha jfs u qaabilsan arrimaha abaaraha C/raxamaan C/SDhakuur Warsame ,ayaa la kulmay xubno ka socda safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay xoghaya koowaad ee safaaraddaasi.
Dhianacyadaasi ayaa ka wadahadlay xaaladda dadka Soomaaliya,dhibatooyinka jira iyo sida wax loogu qaban karo dhibaattooyinka baahsan ee ay sababeen abaaraha iyo kaalinta dalka Kanada uu ka qaatay taageerada Soomaaliya.
Ergeyga ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya ,isagoo dhinaca kale ergeyga marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha.
Sidoo kale,waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.
Dalka Kanada waa deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan 2022.