Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Maraykanka waa dawladda deeqda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.