Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bani-aadannimada u qaabbilsan madaxweynaha JFS oo la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.

Ugu dambayn, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.