Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha abaaraha oo la kulmay Safiirka Qatar

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida guud ahaan dowladdaha Khaliijka, gaar ahaan dowladda Qatar ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Danjire Hassan bin Hamza, waxuu muujiyay sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.