Duqeyn Lala Beegsaday Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudiga

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Jizaan oo u dhow xadka  ay wadagaan waddamada Yeman iyo Sacuudi Carabiya.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee magaceeda loo soo gaabiyo  (SPA) ayaa sheegtay in Jimcihi weerar lala beegsaday Garoonka Boqor Cabdallah ee  magaalada Jizaan .

Dad gaaraya Lix ruux oo  kala ah labo Sacuudiyaan ah, saddex u dhalatay Bangladesh iyo hal Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma jirto cid si toos ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin dhowr weerar oo lagu bartilmaameedsaday Garoomada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman.

18, July 2019, ayay aheed markii ugu horeysay oo  Maleeshiyada Xuutiyiinta ay  weerar cirka ah ku qaadaan garoonka diyaaradaha ee Jizaan, oo qayb ka ah xarumada hawlgallada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ee ka dagaalama Yeman.