Duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan oo lagu dilay in ka badan 15 Dhagar qabayaal Khawaarij ah

Muqdisho (Wargeyska Dalka): War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Fedaralka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii Bishan fuliyay howlgal duqeyn Cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Khawaarijta Al Shabaab Deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 Kiiloomitir dhanka Koonfureed kaga beegan Deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay 18 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka 21 kale lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus. Sidoo kale, waxaa la burburiyay Hal Gaari oo dagaal oo ay Kooxda adeegsanaysay, fariisimo iyo dhufeysyo ay ka sameysteen Deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadineysaa xirfadda, geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale uga mahadcelineysaa Saaxiibbada Caalamka Iskaashiga iyo taageerada ay ka geysanayaan ciribtirka Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo xaqiijinta Amniga Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan inay sii dardargelin doonaan howlgallada lagu beegsanayo fariisimaha iyo awoodda Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo badqabka Shacabka iyo ilaalinta xasilloonida Dalka.