Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Degmada Shibis oo dib-u-dhis lagu sameeyay.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan ay muhiim u tahay kana faa’ideysan doonaan Bulshada ku dhaqan Degmada Shibis iyo hareeraheeda gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka.

Waxaa uu xusay in Maamulka Gobolka uu xooga saari doono sidii Bulshada Gobolka Banaadir loogu dhaweyn lahaa adeegyada Aas-aasiga ah oo ay ugu horeeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.