Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta dad-dhigista dowladda hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) caawa xarig jaray xarunta Dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta Bari oo laga hirgaliyay degmada Yaaqshiid, xaruntas oo loogu adeegi doono dadweynaha kunool degmooyinkaasi.

Munaasabadan xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee maamulka Gobolka, maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay howlaha ay waaxda Dad-Dhigista soo kordhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada siiso.