Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Kawaan cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray kawaan cusub oo casri ah, kaasi oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan Iskaashatada Kalluunka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Kawaankaan cusub uu qeyb ka qaadanaayo dhiiragelinta iyo casriyeynta Suuqa Ganacsiga Kalluunka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Saalax Xaashi, Guddiga iskaashatada Kaluunka iyo Bulshada qeybaheeda kala geddisan.