Duqa muqdisho oo sheegay inay ballaarinayaan adeegyada caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka sanad guurada Daadajinta Adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir.

Munaasabdan oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan ayaa lagu bogaadiyay faa’idooyinkii laga dhaxlay tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir lasoo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka Caasimadda.

Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Maxamed Maxamud Cadow ayaa ka hadlay marxaladihii laga soo maray daadajinta adeegyada Caafimaadka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii adeegya wax tar leh ay bulshada u heli lahaayeen.